Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cade Airport kusoo dhoweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, qaar kamid ah Senatorada cusub ee dhowaan lagu doortay Magaalada Jowhar, Xildhibaano Golaha Shacabka,  Xubno isugu jira labada gole ee Dowlada Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Bahda fanka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweeyntii diiraneyd ee loo sameeyay isagoo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...