Kenya oo ku andacootay inay ka baxday kiiska dacwada badda Soomaaliya ee muranka ay gelisay

Date:

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ, kaas oo lagu xukuminaayo badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka gelisay.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doona maxkamadaas.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarto Talaadada soo socota oo ku beegan 12-ka October.

Kenya ayaa horay u sheegtay inay isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ. Balse dowladda Soomaaliyeed ayaa horay u shaacisay in xukunka maxkamadda ay ku qanci doonto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...