Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirro, khubaro, iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Istraatijiyaddan oo salka ku haysa aragtida ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran ee NDP9 (2020-2024) ayaa ku salaysan yoolal ay ka mid yihiin; sare u qaadidda kaalinta ay biyuhu ku leeyihiin kobaca dhaqaale iyo badqabka bulshada Soomaliyeed, xoojinta hannaanka maaraynta isku dhafan ee khayraadka biyaha, sare u qaadidda u adkaysiga musiibooyinka, iyo xaqiijinta sinnaanta, kordhinta wax soo saarka, bixinta adeegyo wax ku ool ah.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay guudmeerka Istraatiijiyadda Qaran iyo wadiiqooyinka ku xusan, iyadoo daaha laga rogay qaabka fulineed ee lagu taabba galinayo Istraatijiyaddan, oo ay qayb ka yihiin tiro mashaariic ah, oo mudnaan u leh horumarinta biya dalka.

Agaasimaha Waaxda cabirka iyo saadaasha biyaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS Mudane Axmed Maxamed Xasan ayaa faah faahiyay muhiimada ugu weyn ee loo dajiyay qorshaha istaraatiijada maamulka kheyraadka biyaha qaranka.

Wasiiradda wasaaraha tamarta iyo kheyradka biyaha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug Maxamed Axmed Kaarshe iyo Maxamed Xuseen oo ka hadlay xaflada ayaa ka sheekeyay Daruufaha biya la,aaneed ee ka jira deegaanada ay ka imaadeen.

Wasiirka wasaradda Beeraha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xasan Ciid ayaa ka sheegay xaflada daah-furka intaraajidaha maamulka kheyraadka biyaha sharcigaan in uu u adeegayo kor uqaadista wax soosaarka dalka.
Wasiirka wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha XfS Mudane Xasan Cabdi Nuur oo daah furay xaflada ayaa sheegay shacabka soomaliyeed intabad in ay ku jiraan labo marxaladood masiiba ku ah shacabka sidda fatahaado iyo biyo la,aan.

Inta ay soctay xaflada waxaa lagu soo bandhigay Docment ka hadlayo masiibo bili,aadminimo ee ka dhalatay biyaha oo ku bata dhulka ay wabiyada maraan iyo biyo la,aan ka jirta dhul fog oo miyiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...