Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Garowe ka dhagax dhigtay xarunta Cusub oo Hooyada iyo dhalaanka β€œSAWIRRO”

Date:

Wasaaradda Caafimaadka dawlad Gobaleedka Puntland ayaa galabta xaafada Halgan ee magaalada Garowe ka dhagax dhigtay xarun cusub oo hooyada iyo dhalaanka ah.

Xaruntaan ayaa waxaa dhaqaalaha lagu dhisayo bixinaysa hay’adda Qadar Charity iyo hay’adda Tadaamun oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan Agaasimaha guud iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda ayaa ka qeybgalay waxaa sidoo kale joogay saraakiil ka socday hay’addaha Qadar Charity iyo Tadaamun.

Dr – Cabdirisaaq Xirsi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadkaga oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa yiri:

β€œ Waxaan soo dhawaynayaa galabta inaan ka dhagax dhigno xaafada Halgan ee magaalada Garowe xarun cusub oo hooyada iyo dhalaanka ah taasoo qeyb ka noqonaysa dadaalka Wasaaradda wado, waxaa sidoo kale xaruntani noqon doontaa mid u adeegta bulshada xaafadaan cusub oo hadda dhismaysa”

β€œ Xaruntaan ayaa ka koobnaan doonta 7qol oo ay u dhamaystiranyihiin dhammaan adeegyadaΒ  xarunta qaban laheyd, waxaa sidoo kale xaruntaan loo soo rari doonaa mid kale oo kiro ku jirtay kana furnayd isla xaafada balse xooggaa ka durugsanayd meeshaan laga dhisayo.”

Abdifataax Adam oo ka socday hay’adda Qadar Charity oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa sheegay:-

β€œ Mudane Wasiir waxaan ku faraxsanahay maanta inaan halkaan ka dhagax dhigno xaruntaan hooyada iyo dhalaanka ah ee laga dhisayo xaafada Halgan oo ku taala magaalada Garowe, xaruntaan ayaa qeyb ka ah xarumo Caafimaad oo aan Wasaaradda ka wada shaqeyn doono dhismahooda, aniga oo uga mahadcelinaya Wasaaradda wada shaqaynta xooggan ee naga dhaxaysa si gaara fududaynta shaqada iyo helitaanka dhulka.”

β€œXaruntaan oo ka koobnaan doontaa ilaa 7 qolΒ  sida uu Agaasimuhu sheegay oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee looga baahanyahay xarumaha noocaan oo kale ah waxaan rajaynayaa waqti aan dheerayn inaan u dabaaldagi doonoΒ  furitaankeeda.”

Wasiirka wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan oo gabagabadii ka hadlay ayaa yiri:-

β€œ Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan dhagax dhigo xarun cusub oo loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka laga hirgalinayo xaafada Halgan oo sida horay loo sheegay bulshada ku nool baahi uqabeen xaruntaan oo kale, waxaana tani qayb ka tahay Dadaalka wasaaraddu ugu jirto balaarinta adeega caafimaad ee la siinayo dadka jilicsan sida hooyooyinka iyo dhalaanka Puntland.”

β€œWaxaan uga mahadcelinayaa hay’addaha aan iska kaashanayno dhismaha xaruntaan ee Qadar Charity iyo Tadaamun sida wanaagsan ee aan uga wada shaqayno Caafimaadka xaruntaani maaha tii ugu horraysay ee ay dhisayaan waxaa jira kuwa kale oo ay dhiseen iyo kuwa soo socda insha allah.”

Waxaan rabaa inaan dawladaha Hoose ee Magaalooyinka Puntland inaan ku booriyo inayΒ  dhul laga dhiso xarumaha Caafimaadka uga qoondeeyaan dhulka ay bixinayaan xaruntaan dhulka laga dhisayo dad shacab ah ayaa laga iibiyay,saxna maahan in meel laga dhisayo xarun caafimaad la iibiyo. Magaalooyinku waa korayaan dadkuna waa badanayaan waxaana lama huraan in dhul loo diyaariyo danta guud haddii kale waxay sababi doontaa in la waayo meelo laga dhiso xarumaha Caafimaadka.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray Maraykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...