Madaxweynaha Puntland oo taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Kaah kala Qeyb galay isu soo baxa Koowaad ee ururk “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimi Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.

Madaxweynaha ayaa markii uu Qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.

Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona, sidoo kale wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hadda Ururku u soo sharaxay ka mid noqoshada  golaha deegaan degmada Qardho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar...

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...