Wasiirka Amniga Soomaaliya oo war ka soo saaray qaraxii Muqdisho ka dhacay

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag u cambaareeyay falkii argagixadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan cambaareynayaa falkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa qoysaskooda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeya shacabkii ku geeriyooday weerarkaas bahalnimada ah.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee ku naf waayay falkaas bahalnimada ah ee argagixisadu geysteen, anigoo Eebbe uga baryaaya in uu naxariistii janno ugu deeqo, ehekoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo, Waxaan sidoo kale Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay.”

Wasiirka ayaa sheegay in falalka noocan ah ee argagixisadu uga gol leeyihiin cabsi gelinta iyo carqaladeynta amniga aysan marnaba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka horjoogsan doonin dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga dalka, isagoo shacabka ugu baaqay in ay dowladda ku gacan siiyaan cirib tirka cadowgan u soo tafa xeytay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has received the letters...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga...

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixiyay horumarka adeegyada caafimaadka dalka

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali XaajI oo...