Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo soo xiray kulan u dhaxeeyey guddiyo Farsamo oo ka kala Socday DFS iyo Midowga Africa.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen ayaa Muqdisho ugu soo Xeray kulan Seddex Maalmood Socday oo u dhaxeeyey guddiyo Farsamo oo ka kala Socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Africa, kaasi oo looga arinsanayay Hanaanka loo wajahayo qorshaha kala guurka Ciidanka.

Xeritaanka kulanka ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Hoggaanka Midowga Africa ee Amisom ee Soomaaliya.

Kulanka mudadii uu Socday Waxaa diiradda la Saaray Hanaanka loo marayo in Ciidanka Amisom ay ku wareejiyaan amniga Guud ee Dalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal Xooggan ay galisay Tababaridda ,Tayeynta iyo qalabeynta Ciidanaka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , Waxa kaloo uu Xusay in qorshan sida wadajirka ah gudiyadan ay u diyaariyeen ay ka shaqeyn doonaan fulintooda.

Qorshaha howleedka sida wadajirka ay u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliay iyo Amisom ayaa la hor-geen doonnaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...