Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo Xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan Baari, oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdi khadar Maxamed Xasan ayaa Xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Munaasabada Furitaanka Xarunta Maxkamada Boondheere waxaa Goobjoog ka ahaa xildhibaano ka Tirsan Golaha Shacabka JFS, Garsoorayaal iyo Maamulka Degmada Boondheere.

Gudoomiyaha Maxkamadda Boondheere Maxamed Aadan Cismaan Ayaa ku shaqeyn doona Xarunta Maxkamadda Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maxkamadda Gobalka Banaadir mudadii uu joogay Maxkamadda Racfaanka waxuu dib u furay Maxkamadda Degmada Shibis, Maxkamadda Degmada Kaxda iyo Maxkamada Degmada Boondheere.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...