Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey meertada 76-aad ee golaha guud ee QM

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dadaallada wax-ku-oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xakamaynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.”

Madaxweynaha oo khudbaddiisa diiradda ku saaray dardar gelinta iyo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maamul ee Qarama Midoobay, khatarta ku gadaaman isbeddellada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka, ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah dunnida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...