Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dugsiga Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid19

Date:

Wasaarada Caafimaadka dawlad goboleedka Puntland, ayaa dugsigga tababarka Xorgoble ee magaalada Qardho waxay ka bilawday bixinta talaalka Covid-19, si ay hoos ugu dhacdo khatarka xanuunka Covid-19 iyo faafitaankiisa.

Dugsiga Xorgoble ayaa ah dugsi uu tababar ugu socdo ciidamada dawlad goboleedka Puntland, waxaana horay ay wasaaradu u gaysay dhammaan talaaladii kala duwanaa ee dalka la keenay.

Sidoo kale dugsiga ayaa si joogto ah looga sameeyaa wacyi-gelin la xiriira sidii faafitaanka xanuunkaan loo xakamayn lahaa, iyadoo macalimiintu ay kaashanayaan bahda caafimaadka iyo maamullada heer gobol iyo mid degmo.

Maxamuud Bashiir Isku-duwe ku xigeenka caafimaadka, oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan wasaarada caafimaadka Puntland, la-taliyayaal, masuuliyiin kale iyo madaxda dugsiga Xorgoble ayaa maanta daahfuray talaalkaan, waxayna ciidanka ku booriyeen inta aan qaadan in ay qaataan talaalka, si naftooda iyo buslahadaba ay u badaadiyaan.

Wasaaradaha caafimaadka dalka ee heer federaal illaa heer dowlad goboleed ayaa dadaal ugu jira sidii bulshada Soomaaliyeed looga xakameyn lahaa faafitaanka cudurkaan halista ah ee Coronavirus, kaas oo hadda markii seddaxaad soo laba kacleeyey, sida ay xalay shaacisay wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...