Ciidamada Amaanka oo howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo

Date:

Howlgalkan uu horkacayey Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Qeybta Koonfur Galbeed, ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga Magaalada Baydhabo iyo ka hortaga Falalka guracan ee Argigixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed.

Gawaarida isticmaasha Waddooyinka waaweyn ee Magaalada iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa mid mid loo Baaray, iyada oo loo sheegaya dadka muhiimada ay leedahay sugidda amniga magaalada Baydhabo.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Qeybta Koonfur Galbeed, ayaa Tilmaamay in kan Nabad Sugid ahaan ay ka go’antahay in Masuuliyada loo igmaday ee ah ilaalinta Amniga Shacabka ay ugudan doona si hufan ayna kordhin doonan Howlgalada Noocan ah ee lagu sugayo Amniga Magaalada si dhibaatada arxan laaweyaasha Al-shabaab ugaysanayaan shacabka looga Hortago.

Sidokale  Taliyaha ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo sugo Amnigooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...