Wasaaradda howlaha guud dib-u-dhiska Galmudug oo Tababar ugu soo xirtay Injineero dhuusamareeb “SAWIRRO”

Date:

Tababarkan oo muddo afar maalmood ah u socdey Injineero laga keenay Degmooyinka Galmudug ayaa maanta loo soo gaban-gabeeyay. Kuwaas oo la barey qorsheynta iyo maareynta Dhulka Magaalooyinka, waxaana tababarkan soo qaban qaabisey Wasaaradda howlaha guud dib-u-dhiska iyo guriyeynta Galmudug oo kaah-shaneysa UN-HABITAT, iyadoo aqoon kordhintan qeyb ka aheyd mashruuca hormarineed ee GPLJ oo si dardar leh kaga socda Degmooyinka Galmudug qaarkood.

Mudane Maxamed Cabdi Cilmi Xiriiriyaha Wasaarada Howlaha Guud iyo Mashruuca JPLG ayaa sharaxey waxa la isku dhaafsadey mudadii uu socday tababarka, isagoo intaa raaciyay in Wasaaradda ku rajo weyn tahay helida isbadal dag dag ah oo Injineeradane gacan ka geystaan.

Qaar ka mid ah Injineerada qaatay tababarkaan oo iyagana  ka hadley goobta ayaa u mahadceliyay Wasaaradda howlaha guud dib-u-dhiska iyo guriyeynta Galmudug oo dhowr jeer suuragalisay tababaro lasiiyay Injineerada degmooyinka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...