Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka shacabka, gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobollada Waqooyi ee dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waa geeri murugo leh, Suldaanku waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Difaaca “Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaalka Daacish”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim...

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo la kulantay Ururada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...