Guddiga heer Qaran ee xaqiijinta qoondada haweenka oo kulan yeeshay odayaasha Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Date:

Guddiga heer Qaran ee u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug kulan kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Kulankan oo ay ka qayb galeen, Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, wasiirka Haweenka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe,  Guddoomiyahaoomiyaha guddiga haweenka iyo xuquuqul aadanaha Baarlamaanka Galmudug, Farxiya Cabdulahi Sheikh Doon iyo guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Galmudug Saacid Axmed jaamac ayaa diirada lagu saarey sidii odayaashu u sugi lahaayeen qoondada haweenka ee ka qayb galkooda ergooyinka iyo xildhibaannadaba.

Ubax xuseen dhiblaawe Wasiirka haweenka Galmudug ayaa odayaasha dhaqanka kaga mahad celisay kasoo qaybgalkooda kulankan.

guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Galmudug Saacid Axmed Jaamac ayaa goobta ka balan qaadey in ay ilaalinayaan qoondada haweenka isla markaana hubin doonaan in beeluhu haweenka siiyeen  qoondadooda ugu yaraan 30%.

Axmed Xasan Sadiiq oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoomiyaha Guddiga ahna Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ugu dambeyn odayaasha Soomaaliyeed u diray baaq adag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...