Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Date:

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Dalkaasi waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ka ganacsata dalkaas.

Muwaadinka ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal waxaana lagu hor toogtay goobtiisa ganacsi oo kutaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Kooxaha Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyeed la geeyay Isbitaalka Xaafadda Belhar ee Magaalada Cape Town, iyada oo la filayo in Galabta la’aaso.

Ciidamada Booliska ee magalada cape town ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana dil iyo dhac loogu geystay Boqolaal Soomaali ganacsato ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...