R/Wasaare Rooble oo war ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil (Daawo)

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warbixintii ay NISA ka soo saartay kiiskeeda aan lagu qanci karin, waxuuna faray Agaasimaha hey’adda Nabad sugidda Fahad Yaasiin in 48-saac gudahood uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan.

“Waxaan shacabka la socodsiinayaa in markii ay ii soo dhameystiranto xogta aan u baahanahay aan ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas oo aan la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mudadii labada bilood aheyd ee kiiskaan uu taagnaa uu si dhaw ula socday arrintaan, isla markaana uu hey’adda NISA mar hore ka dalbaday in kiiskaas ay ka bixiso faahfaahin dhameystiran.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay muujiyaan mas’uuliyad iyo deganaan lagana fogaado in la dhibaateeyo dad aan waxaba galabsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul wasaare Rooble.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...