Wasiir Dubbe oo shaaciyey hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan:

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu yiri wasiir Cismaan Abokor Dubbe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aaddan fududeynta adeegga Kaarka Aqoonsiga oo Muqdisho lagu qabtay

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo...

Duqeyn ka dhacday Shabeelaha hoose oo Khawaarijta lagu laayey

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda FS ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka Jaray Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si heer sare ah loo dhisay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha oo si rasmi ah u xarig jaraya dib u howlgelinta xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan...