Waxaa looga hadlay wadahadaladii Shiinaha iyo Mareykanka?

Date:

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Gaashaandhigga Pentagon ayaa wadahadallo la yeeshay militariga Shiinaha markii ugu horreysay tan iyo bishii January oo uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Joe Biden, kuwaas oo diiradda lagu saaray maareynta khatarta u dhexeysa labada dal.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa wadahadalladan u xaqiijiyay wakaaladda wararka Reuters.

Mareykanka ayaa sanadahan ka hortagga Shiinaha udub dhexaad uga dhigay siyaasaddiisa amniga qaranka, iyadoo maamulka Biden uu ku tilmaamay loolanka Beijing in uu yahay “imtixaanka ugu weyn ee juqraafi siyaasadeedka” qarnigan.

Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanayay marba mark a ka dambeeya, iyadoo labadan dal ee dunida ugu dhaqaalaha weyn ay isku hayaan arrimo badan, kuwaas oo ay ka midyihiin arrinta Taiwan, diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Shiinaha iyo dhaqdhaqaaqa milatari ee Badda Koonfurta Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...