Wasaaradda A/Dibadda oo war ka soo saartay wadatashiyada la xiriira siyaasadda qaran ee qurbajoogta

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa bogaadiyay habsami u socodka hannaanka wadatashiga si loo dhameystiro Siyaasadda Qurbajoogta Qaranka Soomaaliyeed.

Lataliyeyaal iyo xirfadlayaal ka tirsan Waaxda Qurbajoogga, taageerana ka helayay Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM), ayaa kulan wadatashi ah waxa ay 3 bishan August la yeesheen 13 Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo arrimaha qurbajoogta ay khusayso, waxa ay sidoo kale shir ku qabteen isla 21 bishan August Magaalada Beydhabo , oo ay latashiyo la sameeyeen qurbajoogta kala duwan ee dib ugu soo laabtay Dowlad goboleedka Koonfur galbeed, iyadoo la uruuriyay aragtidooda ku aaddan siyaasadda qaran ee qurbajoogta.

Agaasimaha Waaxda Qurbajoogga, Mudane Maxamed Ibraahim Cawaale, ayaa sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto kulammada wadatashiga ee ay la yeelanayaan dhammaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee kala duwan ee soo laabanaya iyo dadka saamaynta bulshada ku leh, oo ay ka mid yihiin culimada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, aqoonyahannada iyo ururrada jaaliyadaha, ayna safarro ku kala mari doonaan dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay uruurinaysaa aragtiyada kala duwan ee dhinacyada wadatashiga lala sameeyay iyo kuwa lala yeelan doono si siyaasadda qaran ee qurbajoogta u noqoto mid dhinac kasta ka dhammaystiran kahor inta aan la hordhigin Golaha Wasiirrada oo falanqeyn kadib ku soo saara oggolaansho rasmi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...