Rabshado ka dhacay Garoonka diyaaradaha Kabul oo sababay dhimasho

Date:

Rabshado ka dhacay garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Afgaanistaan ayaa waxa ku dhintay toddoba qof sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Ingiriiska, Afayeen u hadlay wasaaradda difaaca ayaa yiri “Fikirkeenna runta ah wuxuu la jiraa qoysaska toddobada qof ee rayidka ah ee Afgaanistaan ​​oo si murugo leh ugu dhintay Kabul,”

Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Ben Wallace ayaa u sheegay wargeyska UK Daily Mail in aanay jirin ummad awood u leh inay qof walba banaanka u saarto ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Mareykanka oo ah 31 -ka Ogosto.

Dhinaca kale Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la halgamayay sidii ay ula tacaali lahaayeen tirada dadka badan ee  isku dayaya inay raacaan duullimaadyada daad -gureynta toddobaadka dhexdiisa tan iyo markii ay Taliban dib ula wareegtay awoodda dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...