Madaxweyne Ashraf Ghani oo shaaciyey sababta uu uga cararay dalkiisa Afghanistan

Date:

Madaxweynaha dibad-jooga ah ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalkiisa uga baxay si uu uga fogaado in dhiig ku daato, iyadoo saacadihii u dambeeyey ay Taliban gudaha u gashay xarunta madaxtooyada Afghanistaan ee Kabul.

“Madaxweyne Ghani wuxuu u baxay si looga fogaado isku dhacyada Taliban oo khatar gelin doonta nolosha malaayiin qof oo reer Kabul ah,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Madaxweyne Ashraf Ghani.

Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, isla markaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa wadanka.

Madaxweynuhu illaa hadda ma uusan shaacin halka uu u baxsaday, balse wararku waxay sheegayaan inuu iska dhiibay dalka deriska la ah Afghanistan ee Tajikistan.

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeeray “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay “shaqadooda koowaad.”

Saraakiil sare oo ka tirsan Taliban ayaa AFP u sheegay inay hadda kulan amni ku leeyihiin madaxtooyada Afghanistan oo ku taalla Kabul oo si buuxda ay ula wareegeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...