Mareykanka oo ciidamo ka dejiyey Kabul si ay u daad gureeyaan diblomaasiyiinta ka jooga Afgaanistaan

Date:

Cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Mareykanka ayaa lagu soo warramay inay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee xaasimadda dalka Afgaanistaan, si ay dalkaas uga daad gureeyaan shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Kaabuul.

Ciidankan oo gaaraya 3,000 oo askari ayaa saacadihii la soo dhaafay laga dejiyey garoonka caasimadda Afgaanistaan ee Kaabuul, xilli ay dagaalyahannada kooxda Taalibaan sii ballaarinayaan dhulka ay dalka ka maamusho dowladdu.

Sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa isagoo qarinaya aqoonsigiisa waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidanka kale la filayo inay halkaas gaaraan 24-ka saac ee soo socota.

Sarkaalkaas la wareystay ayaa sheegay in caasimadda Afghanistan ee Kabul ay khatar ugu jirto inay gacanta u gasho argagixisada Taliban waqti ka dhow xilliga la saadaaliyay oo ah 30 maalmood gudahood.

Sidoo kale waxuu sheegay sarkaalkaas in kooxda mintidiinta ah ay hadda la wareegeen 14 caasimad goboleed oo ku yaalla dalkaas.

Dhacdooyinka isdabajoogga ah ee laga soo tabinayo Afganistan ayaa naxdin iyo walwal ku abuuray beesha caalamka. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya suurtagalnimada inay dhacaan xasarado bani’aadannimo, maadaama ay dad badan oo rayid ah barakacayaan.

Diblomaasiyiinta dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta Nato ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan ay uga arrinsanayaan xaaladda kasii dareysa ee Afgaanistaan.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson oo ka walwalsan xaalada dalkaas ayaa shir deg deg ah la qaatay golihiisa galinkii dmabe ee Jimcaha.

Sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka UK ayaa dowladda ugu baaqday “inay tallo qaaddo” ayna muujiso inay leedahay “qorshe cad” oo ku aaddan xaaladdaas. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay in UK ay boqollaal askari u diri doonto Afghanistan, si ay u soo badbaadiyaan muwaadiniinta Ingiriiska ee ku nool dalkaas ay gacan ku heyntiisa sii lumineyso dowladda sharciga ah ee Afghanistan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...