Madaxweynaha Jubbaland oo kulan aaladda fogaan arragga kula qaatay Wakiilka Sare ee Hay’adda UNHCR “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta habka fogaan arag ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

Waxaana kulanka lagaga hadlay sidii loo dar-dar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Guddoomiyaha guddiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/W ku-Xigeenka XFS oo daah-furay Warbixinta Sannadlaha ee horumarka maaliyadda Dowladda 2024.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Duqa Muqdisho oo degmada Heliwaa ka dhagax-dhigay 7 waddo oo interlock ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

WAR-SAXAAFADEED   Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad...

Wasiirka Shaqada oo furay mashruuc dhaqaale oo loogu talo-galay Qoysaska danyarta ah

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...