Ra’iisul Wasaare Rooble: “Waxaa iga go’an fududeynta waxkasta oo horseedi kara in uu shirka Guuleysto”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda ay u diyaar garowday qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay fududeynta waxkasta oo horseedi kara in uu shirka guuleysto.

“Waxaan rajeynayaa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran guul noogu soo dhammaado si dalkeennu doorasho u aado”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaan ka codsanayaa garab istaag. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu noo fududeeyo.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...