Bulshada oo looga digay qatarta COVID-19 inta lagu guda jiro munaasadda ciidda

Date:

Maamulka Isbitaalka Martiini ayaa uga digay bulshada in aad looga taxadaro faafitaanka cudurka COVID-19 inta lagu jiro damaashaadka Ciidda.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ayaa bulshada Sooamaliyeed uga digay faafidda cudurka COVID-19 oo ay keeni karto isu imaatanka iyo booqashada ehelada maalmaha ciidda ee beri ku began.

Dr Cabdirisaaq ayaa sheegay in cudurka uu weli ka jirto dalka, isla markaana uu maalin kasta dad horleh uu ridanayo, loona baahayo in shacabka ay ka digtoonaadaan oo ay raacaan habraacyada saxda ah ee looga hortagayo cudurka.

“Maadaama uu weli ka jiro dalka xanuunka Corona Virus ayna weli u soo dhacaayaan bukaano cusub, in la ilaaliyo habraacyada xanuunkan looga hortagayo, dadku iyaga oo ciidaya oo damaashadayo yaysan iloobin Af-xirashada (face mask) sidoo kale kala fogaanshiyaha, gacmo dhaqashada iyo isticmaalka jeermis dilaha”. Ayuu yiri Dr Jalaalu-diin.

Agaasimaha ayaa hambalyo u diray dhamaan kalkaaliyeyaasha caafimaadka Soomaaliyeed xuska maalinta caalamiga ah ee kalkaaliyeyaasha awgeed, isagoo xusay in Kalkaaliyeyaasha ay yihiin lafdhabarka adeeg bixinta caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...