Guddoomiyaha tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo si rasmi ah u soo xiray tartanka “SAWIRRO”

Date:

Guddoomiyaha tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa caawa si rasmi ah u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay xubno ka tirsan Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, Agaasime ku-xigeenka Telefishinka Qaranka Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orange).

Mudane Cabdullaahi Muxudiin Codka oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay Wakiilada Tartamayaasha Degmooyinka Kismaayo iyo Yaaqshiid, kuwaasi oo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee uu tartanka u dhacay, iyagoo si wada jir ah u qiray inay aad ugu qanacsanyihiin hannaanka uu tartanka ku bilowday, kuna soo dhamaaday, ayna u mahadcelinayaan Madaxda iyo howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan guddiga tartanka.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar Orange oo ah Agaasime ku-xigeenka Telefishinka Qaranka ahna Tifaftiraha guud ee Telefishinka ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka ay diyaar u tahay markasta xalinta tabashooyinka ay qabaan tartamayaasha,

Mudane Ismaaciil Orange “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dadweynihii fariinta gaaban su’aalaha uga qeyb qaatay ee kala joogay gudaha dalka iyo dibadiisa, waxyaabaha dhaxalka ah ee ay Warbaahinta Qaranka ka faa’iidey waxaa ka mid ah in dadku ay buugaag ka sameeyaan tartanka, dhamaan Hambalyo intii ka qeyb gashay iyo kuwii caawa guuleystay intuba”.

Guddoomiyaha tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkan la qabtay tartankii ugu balaarnaa marka loo eego dhanka ku baahinta baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, isagoo mahadcelin u jeediyay ka qeyb galayaasha tartanka oo ahaa 30 degmo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Kismaayo oo tartanka ku guuleysatay, Yaaqshiid oo kaalinta 2aad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay sanadkii labaad oo xiriir ah, kuwaasi oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir”. ayuu yiri Yaxye Cali Faarax.

Guddoomiye Yaxye ayaa xusay in tartankan uu soo socday muddo 11 sanno ah, isagoo si gaar ah u mahadceliyay Macalimiinta Soomaaliyeed iyo howlwadeennada tartanka ka qeyb qaatay iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo waqti ku bixiyay inay kala socdaan Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka iyo sidoo kale baraha bulshada ee Warabaahinta Qaranka.

Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa tilmaamay in waqti cayiman la bixin doono abaal marinada tartanka gaar ahaan 17-ka bisha May.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...