Ciidanka XDS oo raashiin gaarsiiyay qoysas ku dhaqan Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Date:

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa deeq raashiin ah waxay gaarsiiyeen 250 qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah ee ku nool  Degmada Awdheegle.

Saraakiisha ciidanka kumaandooska Gorgor iyo 14 Octobar iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran  xoogga dalka ee ku sugan goobta raashiinkan loogu qeybiyay, ayaa tilmaamay in Ciidanka ay u istaageen difaaca iyo garab istaagga shacabkooda .

Gaashaanle Suulnooge Taliyaha ururka 3-aad Guutada 17-aadee kumaandooska xoogga dalka Gor Gor Gaashaanle Axmed Maslah Taliyaha ururka 66-aad Guutada 14 Oktoobar iyo Taliye Cabdullaahi Mustafa Cali Madaale Qaran oo ah Taliyaha Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa goobta ciidanka xoogga dalka ay raashiinka ugu qeybiyeen qooysaska danta yar ee ku dhaqan Degmada Awdheegle.

Qaar ka mid ah dadkii raashiinka lasiiyay ayaa ka ga mahadceliyay kaalmada ciidanka xoogga dalka ay soo gaarsiiyeen, waxana sheegeen  in farqi weyn uu u dhexeeyso xiligii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joogeen Awdheegle iyo haatan oo ay halkaasi joogaan ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed oo naftooda u huray difaaca shacabka.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyagoo shacabkooda ka difaacaya cadawga ayay dhinaca kale waxay caawinayaan kuwa danta yar ee u baahan garab istaaga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...