Ciidanka XDS oo raashiin gaarsiiyay qoysas ku dhaqan Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Date:

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa deeq raashiin ah waxay gaarsiiyeen 250 qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah ee ku nool  Degmada Awdheegle.

Saraakiisha ciidanka kumaandooska Gorgor iyo 14 Octobar iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran  xoogga dalka ee ku sugan goobta raashiinkan loogu qeybiyay, ayaa tilmaamay in Ciidanka ay u istaageen difaaca iyo garab istaagga shacabkooda .

Gaashaanle Suulnooge Taliyaha ururka 3-aad Guutada 17-aadee kumaandooska xoogga dalka Gor Gor Gaashaanle Axmed Maslah Taliyaha ururka 66-aad Guutada 14 Oktoobar iyo Taliye Cabdullaahi Mustafa Cali Madaale Qaran oo ah Taliyaha Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa goobta ciidanka xoogga dalka ay raashiinka ugu qeybiyeen qooysaska danta yar ee ku dhaqan Degmada Awdheegle.

Qaar ka mid ah dadkii raashiinka lasiiyay ayaa ka ga mahadceliyay kaalmada ciidanka xoogga dalka ay soo gaarsiiyeen, waxana sheegeen  in farqi weyn uu u dhexeeyso xiligii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joogeen Awdheegle iyo haatan oo ay halkaasi joogaan ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed oo naftooda u huray difaaca shacabka.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyagoo shacabkooda ka difaacaya cadawga ayay dhinaca kale waxay caawinayaan kuwa danta yar ee u baahan garab istaaga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AHNA OO DAAH-FURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE DUGSIYADA DHEXE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...