Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray goobaha laga qaadayo ciidamadii dhawaan soo galay Muqdisho

Date:

Ra’iisiul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray howsha lagu furayo ciidammada looga qaadayo qaar ka mid ah jidadkii ku xirmay qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaqangelinta heshiiskii nabadeynta caasimadda ee shalay lagu gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaarha ayaa tagay meel aan sidaa uga fogeyn isgoyska dabka iyo Isgoyska Mirinaayo, si uu indhihiisa ugu soo arko howsha ciidanka iyo carrada looga qaadayo goobahaas muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga caasimadda lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay taliyaha guud ee booliska inay gutaan mas’uuliyadda ka saran sugidda ammaanka caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...