MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN TACSI AH LA QAATAY UBADKA IYO EHELADA MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA MARXUUM CALI MAHDI MAXAMED

Date:

Muqdisho, Maarso 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ubadka, qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo maanta aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka.

“Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.”

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuumka Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...