Beesha caalamka oo soo dhoweeyay Wada-hadalka Mira dhalay ee Madaxda Siyaasadda.

Date:

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Raโ€™iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF in ay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale