Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah ee Maaliyadda ( IFC ) Makhtar Diop.

Date:

 

Muqdisho: Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo diirran u diray Makhtar Diop oo Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass u magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah Maaliyadda oo ka mid ah 5-ta Hey’adood ee Bangiga aduunka.

Makhtar Diop 6-dii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa Madaxwyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika, waxa kale uu soo noqday wakiilka Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Kenya iyo Brazil.

Wasiir Beyle ayaa ku amaanay mudane Diop kaalintii uu ka geystay dedaalka Soomaaliya ugu jirto Wadahadalada dayn cafinta iyo dib u habeynta nidaamka maamulka Maaliyadda

Makhtar Diop wuxuu u dhashay dalka Senegal wuxuu ka soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha dalkiisai, waa qabiir Dhaqaale oo muddo u shaqaynayay hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah.

Hey’adda uu hoggaamin doono ee Maaliyadda Caalamiga IFC ( International Financial Corporation ) waxay shaqadeedu tahay hormarinta dhaqaalaha iyo Dhiiragalinta kobaca nolol maalmeed bulshada iyada oo loo marayo hey’adaha gaarka loo leeyahay ee dalalka soo koraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...