Ra’isulwasaaraha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud

Date:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Sheikh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya iyo geeska Afrika, waxa uu cimrigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro.

Sheikh Nuur waxa uu kaalin mug leh oo lama illaawaan ah ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo Sheikh Nuur Baaruud, Eheladiisa, Shacabka Soomaaliyeed iyo  guud ahaan Ummadda Islaamka ahna samir iyo iiman Allaha ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...