Dad badan ayaa ku dhintay doon ku degtay haro ku taal dalka DRC

Date:

60 qof ayaa ku dhimatay dad kale oo badana waa la la,yahay kadib markii doon ay  saarnaayeen ku degtay haro ku taala jamhuuriyada dimuqraadiga Congo,DRC

Dowlada DRC ayaa sheegtay in doonta ay ku degtay harada Mai-Ndombe oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Steve Mbikayi oo ah wasiirka arimaha bani’aadanimo iyo gargaarka dalka DRC ayaa sheegay in doonta ay siday dad ka badan intii loogu talo galay taana loo maleenayo sababta

Steve Mbikayi wuxuu tilmaamay in ay doonta siday 700 qof

60 qof ayaa meydkooda la helay waxaana la soo badbaadiyay 300 oo kale sida uu sheegay Steve Mbikayi.

Waxaa soconaya gurmad xoog leh oo lagu baadigoobayo dadkii kale ee doonta saarnaa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...