Barlamaanka Jaamacadda Carabta oo soo dhaweeyay Shirka golaha wadatashiga Qaranka.

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi ayaa soo dhaweeyay shirka golaha wadatashiga qaranka ee udhaxeeyay madaxda dowladda federaalka,kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

“Waxaan soo dhoweyneynaa wadahadalka qaran ee Soomaaliya waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada is haya inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan arrintan oo ah masiirka dadka Soomaaliyeed.

Mudane Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ee ahaa in la qabto wadahadal wadatashi ah bishaan Febraayo 15-keeda iyo 17-keeda, si loo gaaro hishiis loona qabto doorasho la isku raacsan yahay, sidoo kalana laga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida dalka isla markaana laga gudbo dhibaatooyinka horyaal u diyaargarowga doorashooyinka guud ee dalka, iyadoo loo marayo qaab wada tashi ah, kaasi oo ka dhabeeynaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ah is ay ugu noolaadaan amni iyo horumar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu ugu baaqaya dhammaan dhinacyada Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya inay si wax ku ool ah uga qayb-galaan wadahadalkaan oo ay muhiimada koowaad siiyaan danaha guud ee qaranka , si loo gaaro heshiis qaran oo ballaaran kaasi oo ogolaanaya, qabashada doorashooyinka qaranka sida ugu dhakhsaha badan, si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya, meelna looga soo wada jeesto ururada argagixisada xagjirka ah ee khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Al-Casumi wuxuu cadeeyay mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku Aadan taageerad dhammaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran isaga oo ugu baaqay wadamada carabta inay xoojiyaan furfurnaantooda ayna horumariyaan xiriirkooda Jamhuuriyada. Soomaaliya heer kasta iyo dhinac walba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyadda qaranka ku qaabilay Sheekh Cabdirashiid Sh Cali Suufi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...