Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo kormeeray taliska ciidanka Badda+(SAWIRRO).

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta kormeeray taliska ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna Saraakiisha ciidanka ka dhageystay heerarka kala duwan uu soo maray ciidanka Badda iyo howlaha horyaala.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa xarunta ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ku soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Badda.

Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga uga warbixiyay howaha hortebinta u leh taliska.

Wuxuu sheegay Wasiir Cabdifataax Qaasim in ciidankeenu uu ka muuqdo mooraal, rajo iyo yididiilo aad u sareeyo, wuxuuna ku bogaaday howsha adag ee ay Qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca waxaa ku wehlinayay taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka iyo Saraakiil kale.

Dowladda Federaalka ayaa xil weyn iska saartay tababarka, tayeynta iyo xuquuqda asaasiga ee ciidanka qalabka sida,islamarkaana marnaba gaabis ku iman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...