Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo Muqdisho ka furtay shirka wadatashiga doorka haweenka+(SAWIRRO).

Date:

Kulankaan oo socon doona muddo saddex maalin ah ayaa waxaa uu yahay mid looga tashanayo doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin hirgelinta qorshaha hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaranka, waxaana soo qaban qaabiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii haweenku ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Dhab-u-heshiisiin ka hirgasha dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay haween ka kala socday dowlad goboleedyada,gobolka Banaadir,ururada haweenka ee ka jira dalka iyo ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah haweenka ka socday dowlad goboleedyada oo ka hadlay madasha ayaa sheegaay in haweenku ay yihiin udub dhexaadka Dhab –u-heshiisiinta.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa wasaaradda arrimaha Gudaha uga mahadcelisay la tashiyada ay haweenka kala sameyneyso Dhab-u-heshiisiinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Saciid Cabdullaahi Calasow oo furay kulanka ayaa tilmaamay in haweenku ay laf dhabar u yihiin Dhab-u-heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay iney door muhiima ka qaataan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...