Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo Muqdisho ka furtay shirka wadatashiga doorka haweenka+(SAWIRRO).

Date:

Kulankaan oo socon doona muddo saddex maalin ah ayaa waxaa uu yahay mid looga tashanayo doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin hirgelinta qorshaha hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaranka, waxaana soo qaban qaabiyay wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii haweenku ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Dhab-u-heshiisiin ka hirgasha dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay haween ka kala socday dowlad goboleedyada,gobolka Banaadir,ururada haweenka ee ka jira dalka iyo ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah haweenka ka socday dowlad goboleedyada oo ka hadlay madasha ayaa sheegaay in haweenku ay yihiin udub dhexaadka Dhab –u-heshiisiinta.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa wasaaradda arrimaha Gudaha uga mahadcelisay la tashiyada ay haweenka kala sameyneyso Dhab-u-heshiisiinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Saciid Cabdullaahi Calasow oo furay kulanka ayaa tilmaamay in haweenku ay laf dhabar u yihiin Dhab-u-heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay iney door muhiima ka qaataan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...