Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Samareeb+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Samareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Samareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka galmudug, guddoomiyaha baarlamaanka galmudug, labada gole ee galmudug iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galaya shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaalada Samareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Qaranka.

Waxaa Maalintii shalay ahayd magaalada Samareeb gaaray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...