Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray degmada Berdaale+(SAWIRRO).

Date:

Wafdi ka kooban Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye ku-xigeenka Ciiidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Masโ€™uuliyiinta halkaasi gaaray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka caddaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga , Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa mucaawinno hordhac u noqonayo kaalmo gargaar oo ay dowladda federaalku u qorsheysay gaarsiiyay dadka ku dhibaateysan degmada Berdaale iyo degaannada ku xeeran.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed oo is-kaashana ayaa indhowaalaba howlo gar-gaar ka waday qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale