Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo deegaano cusub kala wareegay Al-Shabaab+(SAWIRRO).

Date:

Daraawiishta Galmudug iyo Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen Deegaano ay dhawaan iskaga carareen Maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo ku yaala Koonfurta Gobolka Mudug

Saraakiishaย  Ciidanka ayaaย  tilmaamay in Maleeshiyaadka Al shabaab iskaga baxeen Deegaanka CAAD oo ahaa Saldhiga labaad ee malayshiyadu ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay Koonfurta Gobolka mudug ka waday Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al-shabaab looga saarayo Gobolka Mudug, kasoo oo guulo la taaban karo laga gaaray.

Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqosho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka ku howlan Baacsiga Al-shabaab kuwaas oo ku ammaanay Ciidanka shaqada ay Dalka u haayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...