Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la kulmay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta gareen oo Wado Dhagaysiga Cabashooyinka ayaa la kulmay Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay inay Madaxweyne Laftagreen u gudbiyeen dhibaatooyinka kajira Gobolka Bakool gaar ahaan xaaladda adag oo ay ku sugan yihiin Shacabka degmada Xudur.

Madaxweyne Laftagreen ayaa balanqaaday in ay wax ka qaban doonaan xaaladaha adag ee ka jira guud ahaan Gobolka Bakool , asagoo xusay in ay xooga saari doonaan in ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka xureeyaan goobaha ay kaga suganyihiin Gobolka Bakool iyo guud ahaan goboladda Koofur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...