AMISOM oo tababar la xiriira ka hortagga miinooyinka siisay xubno ka tirsan ciidankeeda ka howlgala Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Ilaa 40 xubnood oo ka tirsan ciidanka Uganda ee ka mid ah kuwa Amisom ayaa la siiyay taba bar ku saabsan sida looga hortago waxyaabaha qarxa iyo miinooyinka.

Ciidankan oo ah kuwa saldhiga ku leh deegaanka Carbiska ayaa waxaa la baray sida loola tacaalo miinooyinka macmalka ah ee loo yaqaan IEDs kuwaas oo kooxaha argagaxisada adeegsadaan.

Tababarka oo socday shan isbuuc ayaa waxaa kaloo ciidanka lagu baray sida waddooyinka looga nadiifiyo waxyaabaha qarxa iyo talaabooyinka loo baahan yahay in la sameeyo.

Col, Jimmy Nabiyu Musoke, oo ah taliyaha guutada dagaalka ee ciidanka Uganda ee Amisom ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda tababarka lagu soo xirayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...