Wasiirka Amniga XFS oo carruurta Agoonta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed u fulinaya ballan-qaad uu u sameeyay.

Date:

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo ka qeyb galay munaasabadda 77 guuradii kasoo wareegtay aas aaska ciidanka boliiska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in guulo taariikhi ah ay ka gaareen ilaalinta nabadgelyada ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa boliiska.

Wasiirka ayaa saraakiisha u dalacday  darajooyinka sarsare ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sidii loo sugay amniga garoonka Inj-Yariisow (Ex Koonis) oo marti geliyay ciyaarihii ugu xiisaha badnaa ee lagu qabto bariga Afrika.

Wasiirka Amniga gudaha oo ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay ilaalinta amniga shacabka ayaa xusay in ciidanku ay hureen waxa ugu qiimaha badan adduunka oo ah nafta isagoo tilmaamay iney yihiin geesiyaal aan la iloobeyn.

“Shaqo la qabto tan ugu karaama badan oo adduun iyo aakhiro ugu wanaagsan waa ummadaada amnigeeda in la sugo”ayuu yiri wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga gudaha mudane Xasan Xundubey ayaa boggaadiyay agoonta boliiska oo wacdaro ka dhigay munaasabadda isagoo sheegay inuu garab taaganyahay qorshayaal cusub oo lagu horumariyana uu la imaa doono.

“Waxaan ku faraxsanahay agoontu meeshi ugu horreysay oon booqdo iney tahay, ballan qaad baan ka galay inaan fuliyo Ayaan rabaa insha allah,waxaa kaloo qorshaha iigu jira inaan wax cusub ku kordhino ubaxyadaas soo koraya si dadki u dhintay dalkaan dadki ay ka tageen aysan u dayacmin” ayuu yiri Xundubey.

Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in argagixisada Alshabaab aysan dooneyn wax horumar ah, isagoo tusaale u soo qaatay in qori lagu waardiyeynayo dhisida waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye taas oo aan siyaasad ku lug laheyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lala shaqeeyo ciidamada Qalabka sida si dalka looga sifeeyo argagixisada.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa la aas aasay sannadkii 1943-kii waana ciidanka ugu da’da weyn ciidamada qalabka sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...