Madaxweynaha Hirshabeelle shir gudoomiyay kulanka golaha xukuumadda+Sawirro.

Date:

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Dib u heshiisiinta iyo Amniga.

Wasaarada Amniga ayaa ka warbixisay Howlgalo Hay’addaha Amaanka ay ka sameeyeen Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Wasaarada ayaa sheegtay in howlgaladii laga sameeyay Caasimada Jowhar lagu soo qabqabtay Rag abaabulayay falal lidi ku ah amaanka Magaalada.

Wasaarada Dib u Heshiisiinta iyo Dib u Dejinta ayaa Madaxweynaha iyo Golaha wadaagtay macluumaad ay ka sameeysay Degmooyinka ay ka jiraan khilaadyada ee u baahan in laga sameeyo Dib u Heshiisiinta, Sidoo kale Wasaarada ayaa sheegtay inay tababar u sameeysay in kabadan 50 qof oo laga soo xulay bulshada qeybaheeda kala duwan oo lagu baray wacyigalinta bulshada iyo xalinta khilaafaadka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Xubnaha Golaha isagoo kula dardaarmay inay sii laba laabaan howlaha shaqo ee horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...