Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Bakool.

Date:

Ciidamada Guutada 16-aad ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka  sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Nabaddiidka  Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka  DANAB ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyaan degano iyo degmooyin ka tirsan GobolLada dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab,iyadoona Howgaladaasi lagu qaarajiyo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...