Madaxweynaha Puntland oo soo jeediyey inay shir isugu yimaadaan Madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada.

Date:

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlayey gaba-gabada madasha Aragti Wadaagga Heritage oo Garoowe lagu soo afmeeray ayaa soo jeediyey in ay mar kale shir isugu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, si looga wada-xaajoodo hanaanka doorashada loogana jawaabo tabashooyinka ka taagan hanaanka doorashada.

Deni ayaa xusay in heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada bishii September 17-dii,  Baarlamaankuna ansixiyey 27-dii isla bishaas uu yahay sharciga kali ah ee haatan lagu gali karo doorashada, balse ay tahay in laga wada hadlo dhaliilaha iyo tabashooyinka ka taagan dhaqan galintiisa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in mudada shirka madasha loo fadhiyey garoowe ay socdeen shirar gaar gaar ah oo isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay wadeen si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyada doorashada ku lugta leh ama danaynaya, waxaana uu xusay in dadaaladaasi ay sii socon doonaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo jeediyey in la ilaaliyo nabadgalyada guud ee dalka xilliga doorashada, waxaana uu ka digay in la kiciyo fitno iyo colaad, isagoo yiri “Waxaan codsanayaa inaan fitno colaadeed la kicin, doorashaduna waa waxa la isku hayaa, waa doorasho, waana wax sanduuq lagu rido, ololuhuna waa hadal, qori boos uma banaana”.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in dawladda soo socota ay tahay inay ahmiyad siiso dhamaystirka Dastuurka, Federaalaynta dalka, sugidda ammaanka iyo u diyaar garowga doorasho dadweyne, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...