Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixiyey Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...