UK oo si rasmi ah uga baxday midowga Yurub sanadkan curtay ee 2021

Date:

Ku dhawaad 50 sano oo UK ay qeyb ka ahayd midowga Yurub ayaa xalay soo afjarantay kadib markii ay si rasmi ah uga baxday .

11:00PM waqti UK jimcihii xalay ayaa waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka .

Sanadkan 2021 ayaa curtay iyada oo UK ay banaanka ka joogto xeyndaabka midowga Yurub .

UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.

Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

Madaxweynaha faransiiska ayaa sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.

Sanadkii 2016 ayaa afti shacabka laga qaaday waxay u codeeyeen in UK ka baxdo dalada midowga Yurub .

UK waxay ururkan ku biirtay 1 Janaayo 1973

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...