UK oo si rasmi ah uga baxday midowga Yurub sanadkan curtay ee 2021

Date:

Ku dhawaad 50 sano oo UK ay qeyb ka ahayd midowga Yurub ayaa xalay soo afjarantay kadib markii ay si rasmi ah uga baxday .

11:00PM waqti UK jimcihii xalay ayaa waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka .

Sanadkan 2021 ayaa curtay iyada oo UK ay banaanka ka joogto xeyndaabka midowga Yurub .

UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.

Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

Madaxweynaha faransiiska ayaa sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.

Sanadkii 2016 ayaa afti shacabka laga qaaday waxay u codeeyeen in UK ka baxdo dalada midowga Yurub .

UK waxay ururkan ku biirtay 1 Janaayo 1973

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...