Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeeray xarunta hay’adda bisha cas+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta caafimadka bisha-cas xafiiskeeda Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareb.

Kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa ku wehliyay Wasiirka Cadaaladda Galmudug, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimadka Galmudug,  Maamulka caasimadda iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Galmudug.

Mudane Cali Daahir Ciid ayaa indha-indheyn iyo kormeerka kadib saraakisha caafimadka bisha-cas ka dhageystay shaqada ay bulshada gobalka u hayaan iyo baahidooda, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku  ballan-qaaday in bisha-cas lagu wareejin doono xarunta ay hadda ku shaqeyso oo ay hore u lahayd maxkamadda Racfaanka si loogu adeego bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda racfaanku la siinayo dhulkale oo ay dowladdu ku wareejin doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...