Horumar dhinacyo badan leh oo laga dareemayo Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Barta twiiterka ee ciidanka AMISOM waxaa maal mahan rukun u ah sawiro iyo fariimo ka turjumaya nolosha iyo horumarka ka jira Muqdisho,  oo aanay arkin indhaha kuwa aan jecleyn nabada.

Inkastoo Muqdisho ay ka jiraan daruufo adag oo dhanka nolosha, ah kuwaas oo ay sababeen xanuunka COVID-19 iyo dhaqaalo xumo,ayaa  hadana waxaa magaalada ka jira kobac weyn oo dhanka dhismaha ah

Daaro dhaadheer ayaa la dhisayaa waxaana  qeybo badan oo magaalada ka mid ah dul suran wiishka guryaha lagu dhiso.

Suuqyada magaalada Muqdisho waa ay camiran yihiin waxaana ka jira ganacsi ku tarmaya xasiloonida magaalada.

Xeebta Liido waxaa isugu taga dadka aad u farabadan oo xiliyada fasaxa iyo  maalmaha nasiinada iyagu u soo baxa quruxda muuqaalka biyaha badweybta hindiya, kuna raaxeesanaya neecaawda macaan ee ka dhalata hirarka badda isdharbaaxaya.

Garoonka kubadda cagta ee Injineer.Yariisoow waxaa ka socda taranka kubadda cagta ee maamul goboleedyada dalka  halkaas oo kumanaan dadweyne ah ay u daawasho tagaan.

Dhamaan arrimahaas waxaa saldhig u ah amaanka oo ay heegan u yihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka waxaa mar kasta ku biira dhalinyaro ay ka go’antahay difaaca dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...