Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xariga ka jartay Qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Laasaleeti β€œSAWIRRO”

Date:

Hay’adda Β ACF oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dib u dhis iyo qalabeyn ku sameysay xaruntan oo ka mid noqoneysa qeybaha muhiimka ah ee Isbitaal Laasaleeti, taas oo markii horeΒ  loogu talo galay in lagula tacaalo safmarka COVID 19, Β iyadoo hadana ay u diyaarsantahay xaaladaha kale ee deg dega ah sida daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha degmadda Cabdicasiis, maamulka Isbitaalka iyo xubno ka socday Hay’adda ACF ayaa ka qeyb galay xaflad kooban oo xariga looga jarayey qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka.

Agaasimaha isbitaalka Laasaleeti Faadumo Cabdi Macow iyo Guddoomiyaha degmadda Cabdicasiis Rowdo Cabdi CaliΒ  ayaa Wasaaradda Caafimaadka uga mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay ka qabteen Isbitaalka Laasaleeti oo adeegyo kala duwan u qabta bulshada.

Agaasimaha barnaamijyada eeΒ  hay’adda ACF Maxamed Xaaji Cabdi ayaa sheegay inay sii wadi doonaan garab istaaga bahda Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Β Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xustayΒ  inΒ  ay sii wadi doonaan qorshayaasha lagu horumarinayo Isbitaalka Laasaleeti iyo Isbitaalada kale ee danta guud oo ay ku xiranyihiin dadka danta yar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Dalladda SORECA kala hadashay horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka

MUQDISHO | 15 Abriil 2026 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha...